Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda, Mudane Mustaf Dhuxuloow ayaa la qaatay kulan Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada ee, Criminal Investigation Department of [CID], Gaashaanle Sare, Muxudiin Axmed Cusmaan. Kulanka ayeey diirada ku saareen arima la xiriira horumarinta barista dambiyada socdaalka.
Kulanka oo ka dhacay Xarunta Baarista Dambiyada (CID) ayaa looga wada hadlay xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga labada hay’adood, wadaagista xogaha muhiimka ah si loogu hortaggo socdaalka sharci-darrada ah iyo dardar-gelinta la-dagaallanka Argagixisada Maadaama uu dalku ku jiro dagaal lagu ciribtirayo Khawaarijta.
Agaasimaha Guud ee HSJ ayaa uga mahadceliyay wada-shaqeynta dhow ee ka dhaxeysa labada hay’adood. Waxa uu xusay Agaasimaha ahmiyadda gaarka ah ee ay leedahay baarista dambiyada la xiriira socdaalka iyo tahriibinta dadka, iyadoo la xoojinayo baarista dambiyada si hufan loo wajaho, dambiileyaashana sharciga loo horgeeyo. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadd tayeynta iyo horumarinta habka baarista iyo daba galka Dambiyada, maadaama ay door weyn ka qaadan doonto xasilloonida dalka iyo badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed.