Madaxweynaha JFS oo la guddoonsiiyay Cilmi-baaris ku aadan horumarinta caasimadda

Guddoomiyaha Hay’adda Cilmi-baarista Hiddaha iyo dhaqanka Gobolka Banaadir Mudane Cabdullaahi Sheekh Nuur (Khadar) ayaa guddoonsiiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud seddex cilmi-baaris oo ka mid ah wax soo saarka aqooneed ee hay’adda Cilmi-baarista Hiddaha iyo Dhaqanka gobolka Banaadir.

Mid ka mid ah buugaagta ayaa si wanaagsan u faah faahinaya dhibka maandooriyuhu uu ku haayo amniga iyo xasilloonida Muqdisho, halka buugga Cilmi-baarista labaad lagu soo bandhigay nadaafadda Muqdisho iyo habka ugu wanaagsan ee billicda magaalada sare loogu qaadi karo.

Mudane Cabdullaahi Sheekh Nuur (Khadar) buugga seddexaad ee uu guddoonsiiyay Madaxweynaha JFS ayaa isna diiradda lagu saaray Muqdisho iyo soo kabashadeeda amni iyo dhaqan dhaqaale ee xiligan.

Cilmi-baarista seddaxda buug ee lagu wareejiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muhiim u ah dhinaca horumarinta Caasimadda dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *