Tehran – Xiisadda ka dhex aloosan Iran iyo Beesha Caalamka, gaar ahaan Hay’adda Kormeerka Nukliyeerka ee Qaramada Midoobay (IAEA), ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii Dowladda Iran si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay joojisay wada-shaqeyntii ay la lahayd hay’addaasi, taasoo cabsi hor leh gelisay dunida.
Go’aankan ayaa yimid wax ka yar toddobaad kadib duqeymo ay fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil oo si weyn u waxyeelleeyay xarumo muhiim ah oo ku lug leh barnaamijka nukliyeerka Iran. Sirdoonka Mareykanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Israa’iil ayaa sheegay in weeraradaasi ay dib u dhigeen horumarka barnaamijka nukliyeerka Iran ugu yaraan dhowr sano, inkastoo Iran si adag u beenisay arrintaas.
Hoggaamiyaha Sare ee Iran, Ayatollah Cali Khumayni, oo ka hadlay muuqaal horay loo sii duubay, ayaa ku tilmaamay sheegashada Mareykanka mid “buunbuunin iyo marin-habaabin dadweyne ah” oo Madaxweyne Donald Trump uu uga gol leeyahay inuu saameyn ku yeesho ra’yiga dadkiisa. Khumayni wuxuu sidoo kale sheegay in Iran aysan guuldareysan balse ay guul weyn ka gaadhay dagaalkii dhawaan dhexmaray iyaga iyo Mareykanka iyo Israa’iil oo garab is siinayay.
Go’aanka Tehran ee ah in ay joojiso wada-shaqeynta IAEA ayaa si rasmi ah u dhaqangalay kadib markii uu ansixiyay Golaha Ilaalinta Dastuurka, oo ah hay’adda ugu sarreysa ee la-socota waafaqsanaanta sharciyada diinta Islaamka ee dalkaasi. Go’aankani wuxuu la micno yahay in la joojiyay gabi ahaanba kormeerkii caalamiga ahaa ee lagu sameyn jiray xarumaha nukliyeerka Iran, arrintaas oo khubarada amnigu ay uga digeen in ay horseedi karto is-maandhaaf diblomaasiyadeed iyo mid milatari.
Agaasimaha Guud ee IAEA, Rafael Mariano Grossi, ayaa sheegay in hay’addu weli xiriir la leedahay saraakiil ka tirsan dowladda Iran, balse aysan helin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan dib u bilaabashada kormeerka. “Joogitaankayaga Iran kama dhigna deeq ama gargaarka caalamiga ah, balse waa waajibaad sharciyeed oo salka ku haya heshiiska caalamiga ah ee NPT,” ayuu yiri Grossi, isagoo uga digay Tehran in joojinta wada-shaqeyntu ay sababi karto “dhibaato weyn oo caalami ah.”
Dowladda Iran ayaa iyaduna ka cabsi qabta in xogaha ay kormeereyaasha caalamku helaan lagu gudbiyo sirdoonka Mareykanka iyo Israa’iil, taas oo ay ku sheegtay mid khatar ku ah madaxbannaanida iyo qarsoodiga difaacooda qaranka.
Dhanka kale, Madaxweyne Donald Trump oo si dhow ula socda xaaladda, ayaa sheegay in weeraradii Iran ay dhibaato weyn u geysteen Israa’iil, isagoo si gaar ah u xusay gantaallo ballaadhan oo ay Tehran ku garaacday dhismayaal ku yaalla gudaha Israa’iil. Trump wuxuu mar kale warbaahinta ku eedeeyay in ay hoos u dhigayso waxa uu ugu yeeray “guul istiraatiiji ah” oo Mareykanku ka gaaray iskahorimaadka.
Tehran ayaa dhinaceeda ka muujisay muujin is adkeyn ah, iyadoo dad badan ay isugu soo baxeen waddooyinka magaalada si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan hoggaankooda, iyagoo sita calanka dalka iyo sawirrada Khumayni, si ay ugu dabaal degaan “joojinta dagaalka” iyo “adkeysiga qaranka.”
Si kastaba ha ahaatee, warbixin uu baahiyay telefishanka CBS News ayaa lagu sheegay in inkastoo magaalada Tehran ay muuqato mid degan, haddana cabsi laga qabo in dagaalku dib u qarxo si weyn loo dareemayo. Wariyaha CBS, Imtiaz Tyab, oo noqday wariyihii ugu horreeyay ee Maraykan ah ee gudaha u gala Iran tan iyo markii ay colaadu bilaabatay, ayaa sheegay in magaalada ay noqotay mid aan ahayn tii firfircoonayd ee uu hore u bartay. “Firfircoonidii magaalada waa yaraatay, cabsiduna waa korodhay,” ayuu yiri.
Ganacsiyo badan ayaa weli xirnaanaya, shacabka badankiisuna waxay si taxadar leh u eegayaan xaaladda, iyagoo ka war haya suuragalnimada isbedel degdeg ah oo ka dhasha khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Iran iyo Beesha Caalamka.