(Wargeyska.net. Baaydhabo) Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo loo yaqaan Sheikh Adan Madoobe ayaa gaaray Caasimada ku meel gaarka ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Beeydhabo.
Cabdicasiis Xassan Maxamed oo loo yaqaan Laftagaren, madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo ay wehliyaan wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku soo dhawayeey wafdiga garoonka diyaaradaha ee magaalada Beeydhabo maanta oo ay taariikhdu tahay 18 December 2024.
Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay ku jiraan wasiiro, xidhibaano iyo senataro ka tirsan labada aqal ee baarlamanka federalka ah ee Soomaaliyeed ayaa u tagay magaalada inay ka qeyb galaan sanad guurada lixaad ee Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagaren.