War saxaafadeed ay soo saareen Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa waxay ku sheegeen in ay duqeyn ay ka geysteen Soomaaliya, gaar ahaana ay la beegsadeen xubno ka tirsan Daacishta ku dhuumaaleysanaysa buuraleyda Gobolka Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland.
War saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya ay duqeyntan la beegsadeen xubno badan oo ka tirsan Daacish, waxaana duqeynta fuliyay labo diyaaradood oo nooca miigga ee F/A-18F Super Hornet oo ka soo kacay Markabka dagaal ee USS Harry S Truman oo taagnaa Badweynta Hindiya.
Duqeyntan ayaa ah tii u horreysay ee Mareykanka fuliyay, tan iyo markii Puntland ay howlgal ka billowday dhulka buuraleyda Cal-miskaad ee Gobolka Bari.
War saxaafadeedkooda ayeey ku sheegeen ka dib qiimeyn hor dhac ah oo ay sameeyeen inay ku dileen saraakiil badan oo ka tirsan Daacishta Soomaaliya isla markaan aanay jirin dad rayid ah oo ku wax yeeloobay duqymahaas.
Waxay kalo cadeeyeen in taliska maraykanka ee Africa ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan AFRICOM ay sii wadi doonaan duqeymaha waxa ay ugu yeereen argagixada ka dagaalnta gudaha Soomaaliya.


