Ergayga madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha ciidamada deegaanka Cali Jeyte Cusmaan ayaa kka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee Khawaarijta looga xoreeyey deegaanno muhiim ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan.
Cali Jeyte warbaahinta furimaha dagaalka ugu waramay ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka, nabad sugidda Qaranka, ciidamada Hiil Walaal iyo xoogagga dadweynaha oo iskaashanaya ay dagaal xooggan ku qaadeen kooxda Khawaarijta Al-shabaab ee ku dhuumaaleysanaya buuraleyda gobolka Hiiraan, halkaas oo iyaga amiiradooda jab xooggan lagu gaarsiiyay.
Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in howlgalladii ugu dambeeyay oo ay qaadeen ku dileen rag ajaaniib ah oo ka tirsanaa Khawaarij, kuwaas oo u soo duulaan tegay sidii ay u gumaadi lahaayeen ummadda Soomaaliyeed.
Cali jeyte ayaa sheegay in amiiro badan ay ku dileen dagaalka iyo kuwa ajaanib ah oo ka bar bar dagaalamaayay, wuxu ku nuux nuuxsaday in aysan suurto gal ahayn in la ogolaado in ajaanib dalkoodi ka soo hajiray ay ummadda Soomaaliyeed ku dhibaateeyaan dhulkooda hooyo.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay taageeraan ciidamada xoogga dalka iyo xoogagga dadweynaha oo dadaal ugu jira sidii loo ciribtiri lahaa kooxda Khawaarijta oo ujeedkooda yahay in dadka iyo dalka xasillin, shacabka masaakiinta ahna baad joogta ah ka qaadaan, wuxuuna balan qaaday in muddo kooban ku soo ajari doonaan gumaadka Khawaarijta.