Ciro oo Magacaabay Guddiga Nabada Somaliland

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 21/01/2025 uu wareegto Madaxweyne ku aasaasey  Guddida Nabadda Jamhuuriyada Somaliland

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan :-

𝐗𝐞𝐞𝐫 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐋𝐫 𝟎𝟏/𝟎𝟏𝟐𝟎𝟐𝟓.

𝐀𝐚𝐚𝐬-𝐚𝐚𝐬𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐫𝐤𝐚𝐲: Qodobada 90aad iyo 113aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda   Somaliland;

𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐫𝐤𝐚𝐲 : Qodobka 63(3) ee Xeerka Kala Xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa Bannaan Xeer Lr. 71/2015 oo dhigaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland isaga oo la tashanaaya cidda ay khusayso uu dhisi karo hay’ado Madax-banaan oo loo xilsaaro hawlo gaar ah;

𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐧𝐜𝐚𝐲:   In ay Nabaddu tahay furaha horumarka iyo jiritaanka nolosha, la’aanteedna aan la gaadhi karin degannansho siyaasadeed, xasillooni dhaqaale iyo horumar bulsho;

𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐫𝐤𝐚𝐲 : In Qaranku u baahan-yahay Hay’ad Dawladeed oo Madax-bannaan oo si gaar ah ugu xilsaaran hawlaha Nabadda iyo dib u heshiisiinta;

𝗪𝗮𝘅𝗮 𝗮𝗮𝗻 𝗴𝗼’𝗮𝗮𝗺𝗶𝘆𝗲𝘆 𝗾𝗼𝗱𝗼𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻:

𝗤𝗼𝗱𝗼𝗯𝗸𝗮 𝟭𝗮𝗮𝗱:

𝗔𝗮𝘀𝗮𝗮𝘀𝗶𝗱𝗱𝗮 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮 𝗡𝗮𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮:

Waxa halkan lagu Aasaasay Guddiga Nabadda Jamhuuriyadda Somaliland oo noqonaya Guddi Qaranka ugu xilsaaran hawlaha Nabadda.

Guddiga Nabadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu yeelanayaa Jiritaan Qaanuuni ah iyo shaambad u gaar ah.

Guddiga Nabaddu waxa uu waajibaadkooda iyo howlahooda shaqo u gudanayaan si waafaqsan Shareecada Islaamka, Dastuurka iyo Xeerarka kale ee Dalka.

Xarunta guud ee Guddiga Nabaddu waxa ay noqonaysaa Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, waxaana uu laamo ka furan karaa Gobollada dalka haddii loo baahdo.

𝐐𝐨𝐝𝐨𝐛𝐤𝐚 𝟐𝐚𝐚𝐝:

𝐔𝐣𝐞𝐞𝐝𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐚𝐚𝐬𝐚𝐚𝐬𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚

Ujeedada Aasaasidda Guddiga Nabadda Jamhuuriyadda Somaliland waa in la abuuro jawi nabadayn oo ku saleysan wada-xaajood, isfaham, iyo ka qeyb-gal bulsho si Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland uu u hanto nabad iyo xasillooni waarta.

𝐐𝐨𝐝𝐨𝐛𝐤𝐚 𝟑𝐚𝐚𝐝

𝐗𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐚𝐣𝐢𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚;

Xilka iyo Waajibaadka Guddiga Nabadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka mid ah;

Horumarinta nabadda iyo midnimada Jamhuuriyadda Somaliland;

Fududeynta wada-hadallada nabadda iyo abuuridda fagaarayaal iyo jawi wada xaajood si loo xoojiyo nabadda iyo xasilloonida bulshada loogana hortago khilaafyada iyo colaadaha deegaannada Jamhuuriyadda Somaliland;

Hormmood ka noqoshada dedaalada xukuumadda ee nabadynta, Xallinta khilaafaadka iyo dib-u-heshiisiinta;

Qabashada iyo fududeynta shirarka nabadaynta iyo wada xaajooodyada bulshooyinka ay colaaduhu saameeyeen;

Hirgalinta fagaarayaal iyo kulanno lagaga hadlayo dhibaatooyinka colaadaha keena iyo soo-jeedinta kalsooni dhiska iyo isla-xisaabtanka;

Kor u qaadista kalsoonida iyo wada noolaanshaha bulshada, iyo ka hortagga khataraha nabadda;

Kala-talinta Xukuumadda dejinta iyo hirgelinta siyaasadaha la xidhiidha dhismaha nabadda, ka hortagga colaadaha iyo ilaalinta danaha bulshada;

Ka talo-bixinta xaaladaha iyo khilaafyada keeni kara isku-dhacyada beelaha iyo degaanada dalka, si looga hortago in khilaafaadkaasi isku beddelaan rabshado keeni kara xasillooni darro baahsan;

Soo-saariddas go’aamo nabadeed oo lagu xallinayo khilaafaadka, laguna dhiirigelinayo sidii dhinacyada colaaduhu saameeyeen looga dhexdhalin lahaa is-afgarad iyo nabad-gelyo waarta;

Go’aaminta tallaabooyinka lagaga hortagayo, ama lagu xallinayo khilaafaadyada, iyo sida oo kale tallaabooyinka lagu dhisayo laguna ilaalinayo in Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland uu helo nabad iyo xasillooni waarta;

Xoojinta iyo taageeridda dedaalada lagu dhisayo isfahanka bulshada iyo wada noolaanshaha si loo dhiirigeliyo wada noolaanshaha loona dhiso wacyiga bulshada ee iskaashiga iyo adkaynta nabadda;

Katalo-bixinta siyaasaddaha iyo qorsheyaasha dawladda ee la xidhiidha nabadaynta iyo ka-hortagga colaadaha;

Kala-shaqaynta hay’adaha amniga dalka sidii loo fulin lahaa go’aamada guddiga nabadda ee la xidhiidha nabadaynta iyo xalinta khilaafaadka;

La shaqaynta cid kasta oo ku hawlan ka shaqaynta nabadda;

Iyo Qabashada shaqo kasta oo kale oo la xidhiidha nabadda ee uu Madaxweynuhu u xilsaaro;

𝐐𝐨𝐝𝐨𝐛𝐤𝐚 𝟒𝐚𝐚𝐝:

𝐗𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚

Xubnaha Guddiga Nabaddu waxa ay ka koobnaanayaan 7 toddoba xubnood, oo kala ah, Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeen iyo 5 Xubnood oo kale;

Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenka iyo Xubnaha kale ee Guddiga Nabada waxa magacaabaya isla markaana xilka ka qaadi kara Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland;

Guddigu waxa ay yeelan kartaa Xoghaye iyo la-taliyayaal u qaabilsan howlaha ay u baahdaan ka gacan-siintooda;

Xogayaha Guddiga iyo lataliyayaasha kale waxaa magacaabaya isla markaana xilka ka qaadi kara Guddoomiyaha Guddiga kaddib marka uu la tashado xubnaha kale ee Guddiga;

𝐐𝐨𝐝𝐨𝐛𝐤𝐚 𝟓𝐚𝐚𝐝:

𝐗𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐚𝐣𝐢𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚

Xilka iyo waajibaadka Guddoomiyaha Guddiga waxa ka mid ah;

Inuu Maamulo hawl-maalmeedka guddiga;

Inuu isku dubarido isla markaana socodsiiyo hawlaha nabadda ee Guddigu u xil saaran yahay;

Inuu metelo kuna hadlo magaca Guddiga;

Inuu guddoomiyo shirarka Guddiga;

Inuu diyaariyo isla markaana usoo bandhigo xubnaha Guddiga qorshayaasha iyo barnaamijyada nabadda;

Inuu abuuro jawi wadashaqayneed oo udhexeeya Guddiga iyo Hay’adaha kale ee Nabadda ku hawlan;

Inuu saxeexo qoraalada rasmiga ah ee Guddiga;

Inuu magacaabo xoghayaha iyo lataliyaytaasha guddiga markuu kala tashado xubnaha kale ee guddiga;

Inuu diyaariyo warbixinaha guddiga, una gudbiyo hay’adaha ay khusayso iyo Madaxweynaha;

Inuu qabto shaqo kasta oo kale oo la xidhiidha hawlaha nabadda ee Guddigu u xilsaaran tahay;

𝐐𝐨𝐝𝐨𝐛𝐤𝐚 𝟔𝐚𝐚𝐝:

𝐗𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐚𝐣𝐢𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞 𝐤𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚

Xilka iyo waajibadka Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga waxa ka mid ah:

Gudashada xilka Guddoomiyaha marka uu Guddoomiyuhu maqan yahay ama ay banaanaato jagada Guddoomiyaha Guddigu.

Waxa uu ka caawinayaa Guddoomiyaha gudashada hawlaha shaqo ee Guddigu u xilsaaran yahay.

Gudashada waajibaadka kale ee Guddoomiyuhu u igmado.

𝗤𝗼𝗱𝗼𝗯𝗸𝗮 𝟳𝗮𝗮𝗱:

𝗦𝗵𝗶𝗿𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮

Si ay u gutaan waajibaadkooga shaqo Guddiga Nabaddu waxa ay yeelanayaan shirar joogto ah;

Shirarka Guddiga waxaa isugu yeeri kara Guddoomiyaha ama marka ay codsadaan ugu yaraan saddex xubnood oo Guddiga ah, waxa ayna ku kulmi karaan meel kasta oo ka mid ah JSL,

Shirarka guddida waxaa Guddoominaya Guddoomiyaha Guddiga, hadii uu maqan yahayna Guddoomiye Ku-xieegka,

Shirarka Guddigu waxa ay ku qabsoomayaan marka ay joogaan ugu yaraan saddex meelood laba (2/3);

Guddiga Nabaddu waxa ay shirkooda ku marti qaadi karaan qofkii ay u arkaan in fikirkiisa ama xogtiisu ay muhiim u yahay shirka, laakiin qofkaasi ma yeelan doono wax cod ah.

𝗤𝗼𝗱𝗼𝗯𝗸𝗮 𝟴𝗮𝗮𝗱:

𝗚𝗼’𝗮𝗮𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮

Go’aamada Guddiga Nabaddu ay soo saarayaan waxa ay u go’aaminayaan si wada jir ah.

Haddii ay dhacdo in xubnaha Guddigu isku aragti ka noqon waayaan arrimaha qaar, waxa ay isku dayayaan inay ku dhammeeyaan is afgarad (consensus), haddiise taasi dhici waydo waxa ay u qaadayaan cod.

Go’aamada Guddidu waxa ay ku ansaxayaan aqlabiyadda xubnaha shirka fadhiya (hal dheeri);

Xoghayaha guddiga ayaa u xilsaaran qaadidda hadal-qoraalka shirarka Guddida (minutes)

Xubnaha guddiga waxay kala yihiin:

  1. Cabdilqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde – Guddoomiyaha Guddida Nabadda.

2.Jaamac Axmed Maxamed (Oday)- Guddoomiye Kuxigeenka Guddida Nabadda

  • Xasan Axmed Ibraahim (Embassy) – Xubin Guddida Nabadda.
  • Cali Siciid Raygal – Xubin Guddida Nabadda.
  • Maxamed Jaamac Abgaal – Xubin Guddida Nabadda.
  • Shucayb Maxamed Muuse – Xubin Guddida Nabadda.
  • Maxamed Iid Dhimbiil – Xubin Guddida Nabadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *