Xisbiga Himilo Qaran oo uga digtay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu Doorasho u gaar ah qabsado

War qoraal ah usoo saaray Xisbiga Himilo Qaran oo uu hogaamiyo madaxweynihii hore ee Shariif Sheekh Ahmed ayaa uga digay in dowladda uu hoggaamiyo Xassan Sheekh Maxamuud ay qabsato doorasho u gaar ah oo aan heshiis lagu ahayn wadar ogolna ahayn.

Warqada qoraalka ah ayaa lagu yiri in Xisbiga Himilo Qaran uu si dhaw ula socdo xaaladda guud ee dalka & jahwareerka siyaasadeed ee taaggan taas oo xisbigu tilmaamay inuu dhaawici karo wadajirka ummadda & Xasilloonidda dalka.

War saxaafadeedka Xisbiga Himilo Qaran waxaa lagu yiri “Xisbigu wuxuu marar badan ka digay wax-ka- beddelka Dastuurka KMG ah oo aan loo marin habraacyadii uu tilmaamayey cutubka 15aad ee dastuurka. Go’aannada ka soo fula hay’addaha dowladda waa inay ahaadaan kuwo ku dhisan sharci iyo go’aanno gaaristooda loo maray sida ku cad Qodobka 33aad ee Dastuurka KMG ah.”

Xisbiga Himilo Qaran ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka aysan xisaabta ugu jirin qaab-dhismeedka dowladeed oo ka kooban labo heer Dawladeed kuwaas oo kala ah dowladda dhexe iyo dowlad- goboleedyadda xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya, Xukuumadda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah waxaa ka dhaxeeya wadatashi ku saabsan arrimaha masiiriga ah, sida uu dhigayo qodobka 48aad faqrada laad xarfaha (A iyo B) ee Dastuurka KMG ah.

“Dastuurka Dalku wuxuu u xeeriyay dhisidda guddiyada madaxa bannaan mabaadii ay tahay in laraaco, taasoo ay koow ka tahay in xubnaha guddiga ay ku yimaadaan wadatashi iyadoo dawladaha xubnaha ka dowladda Federaalka Soomaaliya ay qayb yihii, sida ku cad qodobka Illaad, faqrada 2aad ee Dastuurka KMG ah” ayaa lagu daray qoraalka Kasoo baxay Xisbiga

Ugu dambeyn Xisbiga ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu wali ku adkaysanayo inuu qabsanayo doorasho kaligiis samaystay waxaana ay ka digeen inay keeni karto dib u dhac ku yimaada geedi socodka dowladnimada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *