In ka badan 20 qof ayaa ku dhintay magaalada Qasa ka gadaal markii ay diyaaradaha dagaalka ee Israel ay halkaa ka fuliyeen duqeyn dhanka circa ah. Tani waxay calaamad wayn u tahay in Israel ay ka baxday heshiiskii xabad joojinta ahaa iyo sii deynta maxaabiista ee u dhaxeeyay Israel iyo Xamaas ayaa la leeyahay.
Warkan werark la xiriira waxaa laga soo xigtay hay’adda difaaca rayidka ee ay maamusho Xamaas ee Qasa.
Duqeyntan ayaa dhacday xalay, dadka dhibanayaashana waxaa ku jiray 12 qof oo ku noolaa xaafad ku taal xaafadda Sheikh Radwan ee magaalada Gasa, sida ay sheegtay hay’addu.
Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay militariga Israel.
Iyadoo lagu dhawaaqay heshiiska xabbad joojinta, weli ma aysan ansixin golaha wasiirada ee Israel, haddii la ansixiyana ma dhaqan-geli doono illaa maalinta Axadda.
Israel ayaa hore duqeymo xagga cirka ah fulisay iyadoo uu dhaqan galayay heshiisyo xabbad-joojineed oo hore loo gaaray oo ay ku jirto tii ugu dambeysay ee Lubnaan, halkaas oo duqaymaha culus lagu garaacay caasimadda Beirut saacado yar ka hor xabbad-joojintii halkaas ka dhacday bishii November.