Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Marwo Kaltun Sh. Xasan Cabdi oo uu weheliyo Agaasimaha Guud Md Maxamed Cabdilahi Ducaale ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Madaxa Qaramada Midoobay ee Somaliland Mr Nikolia Rogosaroff oo uu weheliyo isku duwaha arimaha bini’adamnimada ee xafiiska Hargeisa Cabdi Askar iyo Sarkaal sare oo ka socday Xafiiska Siyaasada Dahir Maxamed Dahir.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii loo xoojin lahaa isla markaana loo dar dar galin lahaa xidhiidhka iskaashi ee u dhexeeya dawlada Somaliland Qaramada midoobay.
Intii kulanku socdayna waxay labada dhinac ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dhinac.
Kulankan ayaa hordhac u ah kulamo la filayo inuu dhawaan wada yeeshaan madaxada u sareeya Qaramada Midoobay iyo Dawlada Somaliland.

