Al-Shabab oo qaraxyo caawa ku weerartay saldhig ciidan oo Muqdisho ku yaala

Dhawaqa labo qarax oo is xig xiga ayaa laga maqlay meelo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho fiidnimadii caawa,  waxaana la helayaa faahfaahin hordhac ah, sida ay wax u dhaceen.

Wawrar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in weerar dagaalyaanada Al-Shabab ka fuliyeen Degmada Darusalaam ee Magaalada Muqdisho caawa.

Koox ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay inay weerareen saldhig ciidamada xasilinta caasimadda Muqdisho ee boolisiyo militaare ay ku leeyihiin degmada Daarusalaam.

Weerarkaas wuxuu si gaar ah uga dhacay saldhig ku yaalla jidka Jaayga ah ee Daarusalaam ka aada dhanka deegaanka Ceelasha Biyaha, kooxda geysatay waxaa la sheegay inay jidkaas ku yimaadeen.

Mootooyin nooca FEKON-ta ah ayaa la sheegay inay wateen xubnaha weerarka geystay, ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaas, mana jirto faahfaahin weli ka soo baxday dowladda.

Kooxda weerarka fulisay ayaa naloo sheegay inay ridayeen Sabanno, Bambooyinka gacanta laga tuuro iyo rasaas toos ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *