Raysal wasaare hore ee Soomaaliya oo ku baaqay in dowlad goboleedyada laga taageero dagaalka Argagixisada

Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay dhamaan dowlad goboleedyada ka taageerto si isla mida dagaalka ay kula jiraan argagixisada.

Barta uu ku leeyahay X ee la oran jiray Twitterka ayuu kusoo qoray Cumar Cabdirashiid “Dowladda federaalku waa inay u muujisaa taageero siyaasadeed iyo mid amni oo ku wajahan dhammaan Maamul Goboleedyada si meesha looga saaro khataraha argagixisada ka hor inta uusan dhammaan 2025”.

Hadalka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya iyadoo Afar maalmood ka dib markii ciidamada ammaanka Puntland ay fashiliyeen weerar ay soo qaadeen Daacish, oo ay ku cirib tireen 12 dagaalyahan oo Ajaanib ah oo aysan wali Dowladda Federaalka Soomaaliya weli bogaadinin ama taageerin dadaalka Puntland.

Ka aamusnaanta Dowladda Federaalka dagaalkii Puntlanad iyo Daacish waxay hoosta ka xariiqday khilaafka siyaasadeed ee daba dheeraaday ee u dhexeeya Puntland iyo dawladda, kaas oo soo jiray ilaa December 2022, kaas oo ka dhashay wax ka beddelka dastuurka.

Dadka dhaliila Siyaasadda dowladda Federaalka ayaa ku doodaya aamusnaanta Dowladda in ay meesha ka saarayso kalsoonida shacabka, isla markaana ay walaac xooggan ka abuurayso qorshaha Dowladda ee la dagaalanka argagixisada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *