DHUUSAMAREEB (Wargeyska.net) – mar uu qudbad ka jeedinaayay munaasabad ka dhacday Magaalada Dhuuso Mareeb, caasimada Galmudug, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa ku nuux nuuxsaday inay qabanayaan doorasho qof iyo cod ah, si ay dadweynaha usoo doortaan hoggaankooda.
Qoor Qoor ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay u diyaar garoobaan doorashadaasi, si ay ugu ciil baxaan codadkooda.
“Doorasho suuq madoow ah 24-sano ayaan ku jirnay, mana kusii jiri karno ee mid toos ah ayaan qabsaneynaa” ayuu yiri madaxweyne dowlad goboleedka Galmudug.
Villa Soomaaliya ayaa hormuud u ah qorshaha qabashada doorashada qof iyo codka ah, waxaase diidan Jubbaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka ah ee dalka.