Somaliland iyo Khaatumo oo ku dagaalmay qeybo ka mida Gobolka Togdheer

Faahfaahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal ciidamada Soomaaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo ku dhex maray deegaanka Shangeed oo ka tirsan dhulka cayn loo yaqaanno ee hoostaga gobolka Togdheer.

saraakiisha Ciidanka Maamulka SSC-Khaatumo ayaa militariga Soomaaliland ku eedeeyay inay weerarkan ku soo qaadeen deegaanka oo ay gacanta ku hayeen Ciidamada SSC-Khaatumo ee aaggaasi, balse dhinaca Soomaaliland weli faahfaahin dhammatstiran kama bixin iska hor-imaadkan

Si kastaba ha ahaatee lama soo warin waxyeello dhimasho ama dhaawac oo uu sababay dagaalkani, balse iska hor-imaadyada labada dhinac ee aaggaas ayaa dhawr horay u dhacay sida ay sheegeen masuuliyiin ku sugan gobolku.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *