Muqdisho (Wargeyska.net): Wasiir dawlaha wasaaradda Caafimaadka ee xukuummadda federaalka ah ee Soomaaliya Drs. Maryama Maxamed Xuseen ayaa xarig jartay qeyb cusub oo loogu talagalay carruurta ee Isbitaalka SOS, ka dib munaasabad kooban oo manta lagu qabtay xarunta SOS ee Degmada Heliwaa ee Mogaalada Muqdisho.
Waxaa munaasabada ka soo qeyb galay Guddomiyaha degmada heliwa, agaasimaha guud ee ha’yadda Tuulada iyo Carruurta ee SOS, agaasimaha machadka umulisooyinka qaranka, agaasimaha isbitallada Keysaney, iyo agaasimayasha isbitaalada Danta guud ee Banadir, iyo Madino hospital.
Munaasabaddan Xarig jarka ayaa muujineysa dedaalka joogtada ah ee Wasaaradda Caafimaadka iyo hay’adaha kale ee ku lug leh caafimaadka carruurta, si loo hubiyo in carruurta Soomaaliyeed ay helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh ayadoona Qeybta cusub ee carruurta la filaayo inay wax weyn ka bedesho adeegyada caafimaad ee loo fidiyo carruurta sidookalena la xoojinayo tayada daryeelka caafimaad.
Dr. Mariyama Maxamed Xuseen ayaa carabka ku adkeysay in qeybtaan cusub ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu hormarinayo caafimaadka carruurta Soomaaliyeed, isla markaana loo baahan yahay in la taageero dadaallada kor loogu qaadayo caafimaadka bulshada.
Wasiru dowlaha Wasaarada Caafimaadka Dr. Maryama ayaa ugu dambayn sheegtay in qeybtan cusub ay kaalin weyn ka qaadan doonto daryeelka caafimaad ee carruurta Soomaaliyeed waxayna horseed u noqon dontaa horumar iyo caafimaad wanaagsan.


