Soomaaliya oo mushaarka ku bixineysa nidaamka aqoonsiga qaranka

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay nidaamka mushaharka shaqaalaha dowladda ku bixiso nidaamka Aqoonsiga Qaranka, si loo xaqiijiyo shaqaalaha u qalma mushaharka iyo in mushaaraadka si sax ah loo siiyo shaqaalaha dowladda.

Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ayaa faray wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda federaalka inay isku xiraan Nidaamka Mushaharka Dowladda iyo Nidaamka Aqoonsiga Qaranka ee ay maamusho Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA).

Tijaabada qorshahan ayaa 1-da Oktoobar 2026 ka bilaaban doonta shan hay’adood oo dowladda ah, iyadoo hirgelinta nidaamka oo dhan la qorsheeyay in la soo gabagabeeyo 31-ka Diseembar 2027.

Hay’adaha dowladda ayaa sidoo kale lagu amray inay dib u eegaan oo xaqiijiyaan xogta shaqaalahooda, gaar ahaan kuwa aan weli xogtooda laga xaqiijin nidaamka NIRA.

NIRA ayaa soo dhaweysay go’aanka, iyadoo sheegtay inay taageeri doonto hirgelinta qorshahan, isla markaana ay fududeyn doonto diiwaangelinta shaqaalaha aan weli helin kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo maareynta maaliyadda dowladda, lagu hagaajinayo saxnaanta xogta mushaharka shaqaalaha iyo in adeegyada dowladda lagu saleeyo nidaam mideysan oo aqoonsi qaran.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *