Arimaha burcad badeeda Soomalida oo lagu baaqay in wax laga qabto

Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha (IMO) ayaa ku baaqday in si degdeg ah wax looga qabto soo laabashada burcad-badeedda Soomaaliya, xilli lix markab oo ganacsi iyo in ka badan 90 badmaaxiin ah lagu hayo gacanta kooxaha burcad-badeedda ee ka howlgala Soomaaliya. Xoghayaha Guud ee IMO, Arsenio Dominguez, ayaa digniintan soo saaray kadib afduubkii markabka shidaalka qaada ee Seamull, oo sidoo kale loo yaqaan Sibu 1, kaas oo 20-kii Agoosto ay qabsadeen kooxo looga shakisan yahay inay yihiin burcad-badeed Soomaali ah.

Dominguez ayaa sheegay in afduubka markabkan uu ka dhigan yahay markabkii lixaad ee hadda gacanta ugu jira burcad-badeed iyo kooxo hubeysan, isagoo ku baaqay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan badmaaxiinta la haysto.

Sida ay sheegtay Xarunta Isku-xirka Macluumaadka Badaha (JMIC), lix markab oo ganacsi ayaa weli lagu hayaa gacanta kooxaha afduubka geysta. Waxay kala yihiin Honour 25, Sward, Eureka, Asana, Lutuf iyo Seamull.

Laba ka mid ah afduubyadan ayaa dhacay toddobaadkan gudaheed. Markabka xamuulka ee Lutuf ayaa 17-kii Agoosto lagu qafaashay meel qiyaastii afar mayl-badeed u jirta xeebta Puntland, kaddib markii koox hubeysan ay dusha uga fuushay. Saddex maalmood kaddib, lix nin oo hubeysan ayaa gudaha u galay Seamull xilli uu marayay Gacanka Cadmeed, qiyaastii 136 mayl-badeed bariga magaalada Al Mukalla ee Yemen. Kooxdu waxay la wareegtay markabka, waxayna u weecisay dhanka Soomaaliya.

Markabka oo culeyskiisu yahay 32,200 tan ayaa hore loogu yaqaanay magaca Sibu 1. Waxaa la sheegay inuu diray fariin digniin ah oo ahayd “PIRATE ONBOARD HELP” ka hor inta uusan beddelin jihadiisa, waxaana hadda lagu soo waramayaa inuu ku xiran yahay meel ka baxsan xeebaha bari ee Soomaaliya.

Afduubyada cusub ayaa ku soo beegmaya xilli burcad-badeedda Soomaaliya, oo sanadihii u dambeeyay hoos u dhac weyn laga dareemayay, ay mar kale halis ku noqdeen maraakiibta isaga kala goosha Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.

JMIC ayaa sheegtay in dabeylaha xilliga monsoon-ka koonfur-galbeed ay weli adkeynayaan in burcad-badeeddu doonyo yaryar ku gaaraan meelaha aadka uga fog xeebaha, balse biyaha ku dhow xeebaha Soomaaliya ay siinayaan fursad ay kooxahaasi ku howlgalaan.

Afduubka Seamull, oo ka dhacay meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya, ayaa sidoo kale muujinaya in kooxaha burcad-badeeddu ay weli awood u leeyihiin inay gaaraan maraakiib ku sugan masaafo dheer.

Xoghayaha Guud ee IMO ayaa sidoo kale ku baaqay in dib loo xoojiyo iskaashiga ciidamada badda ee caalamka, isaga oo xusay in wada-shaqeyn caalami ah ay hore ugaalin weyn uga qaadatay xakamaynta burcad-badeednimadii Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *