Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo toddobo safiir oo cusub oo dalalkooda u soo magacaabeen Soomaaliya. Safiirrada cusub ayaa ka kala socda dalalka Aljeeriya, Brazil, Hindiya, Mali, Myanmar, Nigeria iyo Pakistan. Danjirayaashaan ayaa Madaxweynaha u gudbiyeen waraaqaha rasmiga ah ee aqoonsigooda.
Danjirayaasha uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka guddoomay warqadaha aqoonsiga ayaa kala ah: Mohamed Alim – Aljeeriya, Joao Alfredo Dos Anjos – Brazil, Dr. Adarsh Swaika – Hindiya, Dr. Madou Diallo – Mali, Aung Min Oo – Myanmar, Danlami Ibrahim – Nigeria, Aqsa Nawaz – Pakistan.
Intii uu kulanku socday, Madaxweynaha ayaa danjirayaasha ka dhageystay warbixinno ku saabsan qorshayaashooda diblomaasiyadeed iyo mudnaanta ay siinayaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka ay matalaan.
Xasan Sheekh ayaa danjirayaasha cusub u rajeeyay in muddada ay Soomaaliya ka howlgalayaan ay kaalin muuqata ka qaataan xoojinta xiriirka dalalka ay matalaan iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, horumarinta, amniga iyo arrimaha bulshada.
Danjirayaasha ayaa dhankooda Madaxweynaha soo gaarsiiyay farriimo iyo salaan ay ka sideen madaxda dalalkooda, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay horumarinta xiriirka iyo iskaashiga ay dalalkooda la leeyihiin Soomaaliya.


