Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa cadeeyay in xiriirka Ankara iyo Muqdisho uu aad u sii xoogeysano isla markaasna ku salaysanyahay iskaashi, dheef wadaag iyo barwaaqo wadaag, isagoo ku nuux nuuxsaday in Ankara ay Soomaaliya garab istaagtay muddo 15 sano ah, xilliyo ay dalka ka jireen xaalado bani’aadamnimo, amni iyo dhaqaale oo adag oo dowladaha qaarkood ku dhiiran waayeen inay ku soo dag dagaan arimaha Soomaaliya.
Raysal Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu xusayay 15 sano guuradii xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Turkiga, isagoo sheegay in xiriirka labada dal uu ka soo gudbay garab istaag bani’aadamnimo una gudbay iskaashi istiraatiiji ah oo dhinacyo badan taabanaya.
Wuxuu sheegay in booqashadii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu Muqdisho ku yimid 2011, xilli Soomaaliya ay wajahaysay abaaro, macluul iyo amni-darro, ay furtay bog cusub oo ku saabsan xiriirka labada dal.
Raysal Wasaare Barre ayaa yiri. “Booqashadaas waxay xambaarsanayd farriin cad oo ahayd in Soomaaliya aan la illoobi karin, shacabka Soomaaliyeedna aysan kelidood ahayn,”.
Wuxuu sheegay in 15-kii sano ee la soo dhaafay Turkigu uu Soomaaliya ka taageeray dhinacyada bani’aadamnimo, waxbarashada, caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha, amniga, diblomaasiyadda, ganacsiga iyo maalgashiga.
Raysal Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in kumannaan arday Soomaaliyeed ay wax ku barteen Turkiga, kuwaas oo markii dambe dalka ugu soo laabtay xirfadlayaal ka shaqeeya dhinacyo kala duwan.
Dhanka kale, wuxuu sheegay in Soomaaliya ay maanta ka duwan tahay sidii ay ahayd 2011, isagoo tilmaamay horumarka laga sameeyay amniga, dhaqaalaha iyo diblomaasiyadda.
“Soomaaliya 2026 ma aha Soomaaliya 2011. Waxaan soo marnay waddo adag, waxaan soo qaadnay jid dheer,” ayuu ku daray.
Wuxuu xusay in Soomaaliya ay dhammaystirtay geeddi-socodka deyn-cafinta, ku biirtay Bulshada Bariga Afrika, ka gudubtay cunaqabateyntii hubka, isla markaana loo doortay xubin aan joogto ahayn oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Raysal Wasaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay hiigsanayso marxalad cusub oo ku salaysan horumar waara iyo isku-filnaansho, isagoo tilmaamay in iskaashiga mustaqbalka ee Soomaaliya iyo Turkiga uu xoogga saari doono “dheef wadaag iyo barwaaqo wadaag”.


