Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Dhuusamareeb.
Safarka Madaxweynaha ayaa ku qotoma xoojinta dadaallada dowladda Federaalka ee dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka qeyb-geli doono munaasabad lagu soo xirayo tababarka cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Galmudug sidoo kale daah-furi doona mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay deegaannada dowlad-goboleedka, kuwaas oo qeyb ka ah qorshayaasha lagu dardargelinayo adeegyada bulshada iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.
Mashaariicdan ayaa lagu sheegay inay qeyb ka yihiin dadaallada Dowladda Federaalka ee lagu horumarinayo adeegyada aasaasiga ah, iyadoo diiradda lagu saarayo baahiyaha bulshada iyo xoojinta kaabeyaasha muhiimka u ah horumarka deegaanada Galmudug.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulamo la qaadan doona qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug, isagoo dhageysan doona aragtidooda, baahiyahooda dowladnimo iyo talooyinkooda ku aaddan horumarka iyo amniga.




