Afhayeenka Cusub ee Baarlamanka oo shir gudoomiyay kulankii ugu horeeyay maanta

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaamnta shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BFS, kaasi oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Guddoomiye Jaamac oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa warbixinno ka dhageystay Guddiga Joogtada ah, gaar ahaan shuruucda ay gacanta ku hayaan iyo marxaladaha kala duwan ee ay marayaan.

Kulanka ayaa si qoto dheer looga dooday dardar-gelinta howlaha sharci-dejinta iyo sidii loo wajihi lahaa howlaha muhiimka ah ee golaha horyaalla inta lagu guda jiro Kalfadhiga 8-aad.

Intaas kaddib, xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa ka arrinsaday oo dejiyey ajandayaasha kulamada guud ee Golaha Shacabka ee toddobaadka soo socda, waxayna si wadajir ah u ansixiyeen ajandayaasha kulamada golaha ee todobaadka soo socda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray ayaa uga mahadceliyey xubnaha Guddiga Joogtada ah doorkooda wax-ku-oolka ah ee ku aadan dejinta ajandayaasha kulamada golaha ee toddobaadka soo socda iyo dardar-gelinta guud ahaan howlaha muhiimka ah ee Golaha horyaalla Kalfadhiga 8-aad.

Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale ku boorriyey Guddiyada Golaha inay sii wadaan shaqada muhiimka ah ee loo igmaday, si loo xaqiijiyo in howlaha sharci-dejinta iyo kormeerka golaha ay u socdaan si hufan oo waafaqsan waajibaadka dastuuriga ah ee Golaha Shacabka.

Si kastaba, Jaamac ayaa markii uu la wareegay xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka ballan-qaaday inuu golaha ku hoggaamin doono si caddaalad, hufnaan iyo wadajir ku dhisan, isagoo xusay in mudnaanta koowaad la siin doono xoojinta shaqada sharci-dejinta, ilaalinta doorka dastuuriga ah ee golaha iyo ka shaqeynta danta guud.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Golaha Shacabka uu si wadajir ah uga shaqeyn doono xaqiijinta yoolalka iyo himilooyinka uu hiigsanayo golaha, isagoo ku boorriyey dhammaan xildhibaannada inay si wadajir ah uga qeyb qaataan gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *