Warar hor leh oo soo baxay ayaa sheegaya in Cabdulqaadir Muumin, hoggaamiyaha cusub ee Daacish [ISIS], uu weli ku dhuumaaleysanayo buuraha Cal Miskaad ee Gobolka Bari ee Maamul Goboleedka Puntland, xilli ay socdaan howl-galladii ugu xoogga badnaa ee ay wadajir u fuliyaan ciidamada Puntland iyo kuwa gaarka ah ee Mareykanka.
Iskaashiga Puntland iyo Maraykanka ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay 25-kii November, markaas oo in ka badan 200 askari oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ay weerar dhul iyo circa ah ku qaadeen saldhigyo ay ISIS ku lahayd togga Baalade.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee MQ-9 Reaper ayaa fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsanayo xarumo lagu tuhunsanaa inay ku dhuumaaleysanayeen saraakiisha sare ee kooxda. Warbixinaha hordhaca ah waxay muujinayaan in howl-galka lagu dilay sarkaal sare oo ISIS ah iyo ilaa 15 dagaalame oo u kala dhashay Suuriya, Turkiga iyo Itoobiya.
Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale burburiyay keyd hub ah iyo qalab ay kooxda ku maamuli jirtay macdan-qodista dahabka oo ahaa il dhaqaale oo muhiim u ahayd ISIS.
Saraakiisha amniga Puntland ayaa sheegay in inkasta oo kooxda Muumin sii daciiftay, uu hoggaamiyuhu weli ku jiro buuraleyda Cal Miskaad, isaga oo marba god ku dhuumaaleysanaya. Waxaa lagu qiyaasay in ku dhowaad 200 dagaalame oo ISIS ah ay halkaa ku harsan yihiin, kuwaas oo lagu tilmaamay inay ku sugan yihiin xaalad adag oo raashin iyo sahay la’aan ah. Ilo amni oo ku sugan gobolka Bari ayaa sheegay in kooxdu ay hadda ku nool yihiin cuntooyin duurka laga helo, taas oo muujinaysa in awooddooda dagaal aad u hoos u dhacday.
Cabdulqaadir Muumin ayaa muddo dheer ka soo muuqday masraxyada xagjirka ah, isagoo ka soo shaqeeyay masaajidyo ku yaalla Britain, halkaas oo lagu eedeeyay inuu ku faafin jiray fikrado xagjir ah.
Ciidamada Puntland ayaa sheegaya inay sii wadi doonaan howl-gallada ka dhanka ah kooxda, iyagoo ku adkaystay in Muumin uusan heli doonin meel uu u baxsado. Sarkaal sare oo ka tirsan PMPF ayaa sheegay in kooxda ay ku jiraan xaaladdii ugu dambeysay.



Signed up through winbuzzregister. The registration process was super straightforward. No weird hoops to jump through, which is always a win in my book!
Hey, been playing on kkkjilislotgame and loving the variety of slots! Good payouts too. Take a spin! kkkjilislotgame
Seriously loving 365 slots vip for the huge slot variety! You can play for days and still not try all the options. Plus, sometimes they have VIP-exclusive jackpots. Don’t miss the fun at 365 slots vip.