Muqdisho: Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa lixaad, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliso Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.
Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 146 Xildhibaan waxa uu ajendihiisu ahaa akhrinta sedaxaad iyo u codeynta Heshiiska Aaga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika oo ay Golaha u soo gudbiyeen Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Shacabka.
Intaasi ka dib Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo cod u qaaday heshiiskan ayaa waxaa ogolaatay 145 Xildhibaan, hal Xildhibaan ayaa diiday wax ka aamusayna ma jirin, sida uu sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo natiijada codeynta ku dhowaaqay.
Dhinaca kale Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo qeybiyey warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Hanaanka Lacagbixinta Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Dib u Eegista Sharciga Ladagaalanka Burcadbadeedka iyo ka Hortaga Afduubka ee Sharci LR.36 ee soo baxay 30-kii Bishii April, sanadkii 1975-tii.







Downloaded 8sbetapp and gave it a spin. The app’s performance is smooth, and I like the overall interface. Some lag when placing large bets, but otherwise, it’s a good experience. Mobile betting at its finest 8sbetapp.
Downloaded the 888slotapk and it’s pretty convenient to have slots on my phone. Gameplay is smooth and the registration was quick. Worth downloading if you are on the go. You can find it at 888slotapk.
Alright, 33win39bet’s not bad ya know. Got a decent selection of stuff to bet on. Could be better, but it’s solid. Give it a shot if you’re looking for something new 33win39bet