Dowlada Soomaaliya oo Dalka Rwanda kasoo qabatay nin baxad ahaa oo ku edeysane kufsi

 Sda uu xaqiijiyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya in uu gacanta kusoo dhigay eedaysane Jamac Cabdi Maxamuud Ina Maryan Maxamed Cismaan, oo muddo baxsad ahaa, kadib baaritaan dheer oo lala kaashaday Booliiska Caalamiga ah (Interpol).

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa lagu sheegay in eedaysanaha lagu ogaaday inuu ku sugan yahay dalka Rwanda, halkaas oo laga soo qabtay, laguna soo celiyey gudaha Soomaaliya. Jamac Cabdi Maxamuud ayaa lagu eedeeyey kufsi, duubis iyo faafinta muuqaallo anshax xumo, kuwaas oo uu ku geystay magaalada Qardho.

Eedaysanaha ayaa laga soo dajiyey Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde gelinkii dambe ee 18-ka Oktoobar 2025, waxaana si toos ah loogu wareejiyey Qaybta Baarista Dambiyada ee CID, halkaas oo hadda lagu hayo.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa sheegay in eedaysanaha si degdeg ah loo horgeyn doono Maxkamadda awoodda u leh, si uu u wajaho cadaaladda.

3 thoughts on “Dowlada Soomaaliya oo Dalka Rwanda kasoo qabatay nin baxad ahaa oo ku edeysane kufsi

  1. Bleze, hey there! Heard some buzz about you. Seems like you’re trying to make a splash. Hope your odds are good and the experience is smooth. Good luck out there! Check them out here: bleze

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *