Dowlada oo sheegtay inay dishay horjooge sare oo al-Shabab ah

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa  faahfaahin dheeraad ah ka bixisay howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan, kaasoo lagu dilay horjooge sare ka tirsana kooxda Al-shabaab. 

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay horjooge sare oo lagu magacaabo Cali Axmed Guure Cali Qoyane, kasoo la sheegay inuu kooxda u qaabilsana dhinaca Sirdoonka magaalada Baledweyne.

“Howlgalkaas oo si guul ah ku dhamaaday, waxaa fuliyay geesiyayaasha difaaca dadka deegaanka ee macawiisleey oo taageero ka helaya dowladda Federaalka Soomaaliya, Horjoogaha la dilay ayaa si toos ah loo bartilmaameedsaday xilli uu fadhiyay maqaayad shaaha laga cabo oo ku taalla deegaanka Mabaax, waxaana laga soo furtay qori AK-47 ah iyo bistoolad uu watay” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowlada. 

Qoraalka kasoo baxay dowlada Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in horjoogaha la dilay uu horey u maleegay qaraxyo iyo weeraro argagixiso oo lagu dilay masuuliyiin iyo dad kale oo rayid ah.

“Howlgalka xalay wuxuu muujinayaa geesinimada iyo dadaalka joogtada ah ee geesiyayaasha difaaca deegaanka ee macawiisleyda iyo taageerada dowladda, si loo xaqiijiyo amniga bulshada, loona hortago falalka argagixisada” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Fedaraalka. 

Ugu dambeyntii horjooge Cali Qoyane ayaa la tilmaamay inuu horay dhowr jeer uga badbaaday howlgalo lagu doonayay in lagu dilo, hayeshee ugu dambeyn xalay ciidanka deegaanka oo garab ka helaya kuwa dowladda ku guuleysteen iney dilaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *