Deg Deg: Qarax goordhaw ka dhacay dalka Masar

Wararka la helay ayaa sheegaya in daqiiqado kahor qarax xooggan oo meelo badan laga maqlay , ayaa ka dhacay bariga magaalada Qaahira  ee caasimadda dalka Masar, xilli magaalada Sharma Sheekh ee dalkaasi ku sugan yihiin hoggaamiyaal badan oo caalamka ka socda, kuwaa oo goobjoog ka noqonaya saxiixa heshiiska nabadda ee Qasa.

Qarax oo jugtiisa la maqlay, sidoo kale uuradiisa meelo fog laga arkayay, ayaan wali dowladda Masar laamaheeda amniga faahfaahin badan ka bixin, waxaana aagga qaraxa ka dhacay tagay oo baaris ka bilaabay laamaha amniga magaalada Qaahira.

Sarkaal ka tirsan hay’adaha ammaanka dalka  Masar oo la hadlay warbaahinta, ayaa hoos u dhigay qaraxan goordhaw dhacay, wuxuuna sheegay inaysan jirin wax weerar ah ama khatar amni, balse lama sharrixin wali waxa uu qaraxan ka dhashay.

Indhaha caalamka, ayaa maanta ilaa caawa si weyn u eegaya dalka Masar, gaar ahaan magaalada Sharma Sheekh ay gaareen hoggaamiyaal badan oo caalamka saameyn ku leh, kuna wajahan yihiin kuwa kale uu kamid tahay Trump, kuwaa goobjoog u noqonaya saxiixa heshiisa nabadda ee Qasa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *