Booliska Galmudug oo Gacanta ku dhigay Gacan ku Dhiiglayaal

Dhuusomareeb: Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Galmudug oo howlgal amni ka sameeyay qeeybo ka tirsan Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay gacanta ku soo dhigeen labo gacan ku dhiigle oo ka mid ahaa shan gacan ku dhiiglayaal oo dilay hooyo iyo sadexdeeda gabdhood.

Arintan ayaa imaneysa ka dib markii Dowlad Goboleedka Galmudug oo horey u balan qaaday in gacan ku dhiiglayaashaa la hor keeni doono cadaalada lana marsiin doono ciqaabta ay u qalmaan.

Maxkamdeyntooda iyo baaristooda waxay bilaabaneysaa marka dhamaantood gacanta lagu soo wada dhigo madaama hal danbi loo heysto walow ay dhici karto in midkood ama laba ka mid ah inuu baxsado, markaas waxaa qasab noneysa in sharciga lagu qaado inta la hayo.

Shantan nin ayaa dhowaan si arxan daro ah ugu dilay hooyo iyo sadexdeeda gabdhood deegaan ku dhow deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgadud ee Bartamaha Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *