Wararka la helayo ayaa xaqiijinya in ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay Sarkaal qarxyada u qaabilsanaa Daacish
Ciidamada Maamulka Puntland ee dagaalka kula jira dagaalamayaasha Daacish ayaa maanta gacanta ku soo dhigay sarkaal kooxdaasi ka tirsan.
Wararka ayaa tilmaamaya in Guutada Duufaan ee Ciidamada Maamulka Puntland ay howlgalka fuliyeen ayna gacanta ku soo dhigeen sarkaal Daacish u qaabilsanaa qaraxyada miinooyinka loo adeegsado.
Sarkaalka la qabtay waxaa magaciisa is afgarashada lagu sheegay Salmaan waxaana lagu wareejiyay saraakiisha sare ee Maamulka Puntland si sharciga loo horkeeno.