Dr. Xassan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta khudbad ka jeediyey Shirka Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Maraykanka, kaas oo ku qabsoomay magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay la jaanqaaddo dhaqaalaha caalamiga ah, dowladduna ay dadaal ku bixinayso sidii loo abuuri lahaa jawi nabad iyo xasillooni ku dhisan oo dhiirrigeliya maalgashiga iyo ganacsiga.
“Soomaaliya waa dal hodan ku ah kheyraad dabiici ah, suuq ganacsi oo kobcaya iyo bulsho dhalinyaro ah oo hal abuur ku tilmaaman. Waxaan doonaynaa inaan abuurno jawi nabad iyo xasillooni ku dhisan oo dhiirrigeliya maalgashiga iyo ganacsiga”.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay iskaashiga ganacsiga iyo tiknoolajiyadda, isagoo xusay in Soomaaliya ay mudnaanta siin doonto horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda casriga ah, maalgelinta beeraha, kalluumaysiga iyo tamarta iyo abuurista fursado shaqo oo dhalinyarada iyo haweenka u sahli kara inay kaalin muuqata ka qaataan kobaca dhaqaalaha.
“Ganacsiga iyo iskaashiga laba geesoodka ah waa furaha mustaqbal barwaaqo leh. Soomaaliya waxa ay rabtaa in ay noqoto albaabka ganacsi ee Geeska Afrika iyo Badda Cas”.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay ganacsatada iyo qurba-joogta Soomaaliyeed doorka ay ka qaadanayaan dib u dhiska dalka, xoojinta iskaashiga iyo Ganacsiga.







Planning my weekend around ax88bet… hoping for a big win! Gonna enjoy some virtual fun, hopefully. Sounds promising!! Check it out.: ax88bet
V9betvietnam. Heard it’s big in Vietnam. Wonder if it’ll work for other countries, too! Will see about payouts and bonuses!. v9betvietnam
Yo folks, 88vin.stone just might be your lucky ticket. Heard some folks hitting big there. Gotta be in it to win it, right? Give 88vin.stone a try. You never know!