War rasmi ah oo ay baahisay Warbaahinta Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in maanta abaaro 4:40 galabnimo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ay weerar naf-hurnimo ah ku qaadeen xarunta Godka Jilacow ee magaalada Muqdisho, taas oo ka mid ah xarumaha ay maamusho Hay’adda NISA.
Sida lagu sheegay warka dowladda, kooxdii weerarka qaaday ayaa adeegsaday gaari ay u ekaysiiyeen mid ay leeyihiin ciidamada NISA, waxaana howlgal degdeg ah lagu dilay qaar ka mid ah maleeshiyaadka weerarka qaaday, halka uu weli socdo howlgalkii lagu soo afjarayay kooxda weerarka fulisay.
Dhinaca kale, kooxda Al-Shabaab ayaa iyadu sheegatay mas’uuliyadda weerarka, iyagoo ku faanay in dagaalyahanno ka tirsan ay hadda dagaal kula jiraan gudaha xarunta Godka Jilacow.
Xaaladda goobta ayaa weli kacsan, waxaana socda howlgal ay wadaan ciidanka ammaanka ee dowladda Soomaaliya.



The 81betapp is actually pretty decent. Had some initial issues, but support was quick to sort it out. Now its my go-to for my gambling fixes!
Just checked out vipph21 and man, it seems cool! Seems to have some cool features. vipph21
Yo, check out 9fgame! Been playing there for a bit now and it’s pretty solid. Good selection of games and the payouts are decent. Definitely worth a look if you’re looking for something new. Hit them up at 9fgame!