Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud maleeshiyaad beeleed hubeysan ayaa deegaanka Laan-dawaco, oo u dhaxeeya magaalooyinka Cadaado iyo Dhabad, ka af-duubteen saddex ruux oo qoys ah.
Dadkan la af-duubtay ayaa kala ahaa hooyo, gabadheeda iyo cunug yar oo ay sidatay, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka. Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxdii falka geystay ay dadkaasi la aaday dhanka magaalada Dhabad.
Wararka ayaa intaa ku daraya in qoyska la af-duubtay ay heyb ahaan kasoo jeedaan degmada Cadaado, mana jiraan ilaa iyo hadda faahfaahin rasmi ah oo kasoo baxday maamulka deegaanka ama hay’adaha ammaanka ee ku aaddan dhacdadan.
Falkan Af-duubka ah ayaa kusoo aadaya xili ay sii laba jibaarmeen falalka aanooyinka qabiil salla ku haya ee ka jiraan qaybo ka mid ah gobolka Galgaduud iyo Mudug.



Downloading 567rgamedownload was quick and easy. The install was straightforward, and I was playing games in no time. Check it out for yourself: 567rgamedownload
Yo, heard about cc6ph6. The user interface is excellent. I like the layout and what they have to offer. cc6ph6
Alright, giving c54game8 a go tonight. Their game selection seems pretty varied. I dig the vibe. Will report back if I strike gold. Check it out too c54game8, Let the games begin!