Madaxweyne Farmajo oo cambaareeyay jirdilka ay ciidamada dowlada u geeysanayaan dadka shacabka ah

Mohamed Abdullahi Farmajo, madaxweynihii hore ee dowlada federaalka ah ee Soonaaliya Madaxweynihii ayaa si adag u cambaareeyay jirdilka ay ciidamada dowlada federaalka ah ee Soomaaliya kula kacayaan dadka shacabka ah o ay ku jiraan dad waayeel ah.

 Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in ficilladaasi ay yihiin kuwo dhaawacaya sharafta iyo karaamada muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa nugul, islamarkaana si toos ah u wiiqaya kalsoonida shacabka ee dowladnimada.

“Muuqaalada argagaxa leh ee muujinaya waayeel Soomaaliyeed oo si bahalnimo ah loo jirdilayo waa boog madow oo aan harayn iyo dulmi weyn oo aan shacabka Soomaaliyeed u qalmin, kana horimanaya qiyamka bani’aadantinimo, diinta, iyo sharciga waddanka,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay u istaagaan garab istaagga iyo gurmadka muwaadiniinta barakiciyayaasha ah, si gaar ah dadka da’da ah, kuwa naafo ah, iyo haweenka nugul ee dhibaatadu saameysay.

Dhanka kale, Madaxweynihii hore wuxuu si cad uga digay in hay’adaha dowladda, gaar ahaan laamaha amniga, ay sii wadaan tacaddiyada noocan oo kale ah, isaga oo ku booriyay inay ilaaliyaan sharciga iyo xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadinka Soomaaliyeed.

“Dowladnimada dhabtaa waa mid u adeegta shacabka, gaar ahaan kuwa aan cod lahayn. Tacaddiyada noocan ah waa in si buuxda loo baaro, loona horkeeno cadaaladda cid kasta oo ka dambeysay,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *