Madaxweyne Xassan Shiikh oo Dhaliilay Mucaaradka

Muqdisho-Madaxweynaha dowladda federaalka soomaliya Xassan Shiikh ayaa wareesi uu siiyey BBC kaga hadlay arimo badan, isagoo shegay in dib u eegista Dastuurka loo maray hab sharci ah, isagoo xusay in la sameeyay guddi madax-bannaan, baarlamaankuna kalsooni siiyay, kadibna shaqooyinkii lagu heshiiyay ay bilaabeen. “Anagu waxa aan aaminsanahay in aan si adag u raacnay sida dastuurka dib u eegis loogu sameynayo,” ayuu yiri.

Waxaa kaloo uu xusay Xasan Sheekh in Dastuurka uu ogol yahay in dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyadu arrimaha siyaasadda ka wada hadlaan, wixii lagu heshiiyana loo gudbiyo Baarlamaanka, balse Baarlamaanku xaq u leeyahay in uu wax ka beddelo qodobadaas.

Wuxuu intaas ku daray in wadahadal cusub la furay, lana aqbalay qodobbo ay mucaaradka iyo maamullada qaar soo jeediyeen, isagoo sheegay in weli albaabka doodda uu furan yahay.

Intuu uu waday wareysiga ayaa xassan sheikh waxa uu sheegay in maamulada Jubbaland iyo Puntland ay ka hor yimaadeen hanaanka dib u eegista Dastuurka, hadana xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyadu uusan gabi ahaanba go’in, balse uu mararka qaar dib u dhac ku imaan karo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *