Xarardheere– wararka ka imaanaayo magaalada xarardheere ee gobolka mudug ayaa sheegaya in Ciidanka Dowladda ee ku sugan magaalo xeebeedka Xarardheere ay halkaas ka fuliyeenhowl gallo ciidan kuwaaso oo loogu sugaayo amniga, sida ay u sheegeen masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada.
Saraakiisha ayaa ku sheegay howlgaladan inay yihiin kuwa looga hortagayo weerarro suuragal ah oo ay Al-Shabaab qorsheyn karaan inay ku qaadaan magaalada,waxaana jiro cabsi amni taasoo laga dareemayo gobolka.
Ciidamada ku sugan Xarardheere oo isugu jira Daraawiishta Galmudug iyo maleeshiyaadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa fariisimo cusub ka sameystay duleedka magaalada, si ay uga hortagaan wax kasta oo halis ku ah amniga dadka iyo deegaanka.
Masuuliyiinta maamulka Galmudug ayaa sheegay inay ka go’an tahay in laga hortago isku day walba oo ay Al-Shabaab ku carqaladeynayaan nabadda iyo xasiloonida deegaanka.
Ciidamada isku dhafka ah ayaa la sheegayaa in howlgalada ay sii wadi doonaan maalmaha soo socda, iyadoo ay ciidamada wadaan baaritaanno iyo guluf ciidan oo ballaaran.