Muqdisho – Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Taliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir iyo hay’adaha kale ee amniga Caasimadda, ayaa howlgal wadajir ah ku qabtay 17 qof oo isugu jira askar iyo shacab, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen falal amni darro oo ka dhashay jebinta amarka mamnuuca ah ee ku saabsan adeegsiga rasaasta intii lagu jiray dabaal-degyada maalmaha xorriyadda.
Eedeysanayaasha, oo uu mid ka mid ah yahay askari ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida, ayaa lagu qabtay howlgal qorsheysan oo ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, kadib markii la helay xog sheegaysa in rasaas si sharci-darro ah loo riday habeenkii xalay, taas oo halis gelisay amniga muwaadiniinta.
Afhayeen u hadlay Taliska Qeybta Guud ee Booliska ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in hadda ay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo haddii ay jiraan khasaare nafeed ama mid hantiyeed oo ka dhashay rasaastaasi. Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in dhammaan eedeysanayaasha la horgeyn doono Maxkamad si loo waafajiyo sharciga dalka.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada amniga ay wali wadaan baadi-goob lagu raadinayo tiro kale oo la tuhunsan yahay in ay rasaas ka rideen xerooyin ciidan, taas oo sii xoojinaysa halista ay rasaasta aan loo baahnayn ku hayso shacabka.
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Caasimadda inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, islamarkaana si degdeg ah u soo gudbiyaan xog kasta oo ku saabsan cid kasta oo khatar ku ah nabadgelyada. Wuxuu Taliska ku adkeeyay in xogtaasi lagu gudbin karo Xafiiska Gurmadka ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.