Wasiir Dowlaha Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo Guddoomiyay Kulan Lagu Falanqeeyay Horumarinta Shaqada Hay’adda Duulista Rayidka

Muqdisho – Wasiir Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cabdikariim Cabdow Xaydar, ayaa maanta guddoomiyay kulan muhiim ah oo diiradda lagu saarayay horumarinta shaqada hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Shirka oo ay ka qeyb galeen Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka, Axmed Macalin Xasan, Maareeyaha Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde, iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka hay’adda, ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay waajibaadka shaqo ee waaxyaha kala duwan, caqabadaha haysta iyo fursadaha kor loogu qaadi karo waxqabadka hay’adda.

Kulanka ayaa lagu xoojiyay muhiimadda mudnaanta shaqo ee hay’adda, amniga hawada Soomaaliya, horumarinta garoomada dalka, iyo abuurista fursado cusub oo lagu horumarin karo qorshayaasha istiraatiijiga ah ee hay’adda iyo garoomada.

Maareeyaha Guud ee hay’adda ayaa Wasiirka siiyay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan guulaha la gaaray, qorshayaasha mustaqbalka iyo dadaallada lagu xoojinayo amniga hawada Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Soomaaliya ay hadda ka mid tahay dalalka ugu xirfadda wanaagsan dhanka hagista diyaaradaha iyo sugidda amniga hawada, iyada oo si gaar ah loo dardargeliyay badbaadada diyaaradaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah, lana ilaaliyo shuruucda duulista rayidka caalamka.

Wasiir Xaydar ayaa kulanka ku soo xiray isagoo dhiirrigeliyay in la doorto halbeegyo cad oo lagu saleeyo horumarka la doonayo, si loo helo adeeg hufan, waajibna looga dhigo dhammaan shaqaalaha in ay gutaan xilalka ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo howlaha gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, si loo xaqiijiyo adeegyo tayo leh oo la jaanqaadaya heerarka caalamiga ah.

2 thoughts on “Wasiir Dowlaha Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo Guddoomiyay Kulan Lagu Falanqeeyay Horumarinta Shaqada Hay’adda Duulista Rayidka

  1. Now considering writing a longer note about the post somewhere, and a look at suncrestcrafthouse added more material for that note, content that prompts me to write rather than just consume is content with generative energy and this site is producing that generative effect for me at a higher rate than most sources.

  2. Now wondering how the writers calibrated the level of detail so well, and a stop at foilfrost continued the same calibration, the right level of detail is one of the harder editorial calls in any piece and this site has clearly developed an instinct for it through what I assume is years of careful practice publicly.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *