Madaxweynaha Jubbaland oo Booqasho Siyaasadeed Ku Tagay Magaalada Garoowe

Garowe – Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ay maanta booqasho rasmi ah uga bilaabatay magaaladaasi. Booqashadan ayaa si weyn isha loogu haya, iyadoo la filayo in uu kulan siyaasadeed la yeesho Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Socdaalkan Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku soo beegmaya xilli uu sii murugsanayo xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland. Labada maamul goboleed ayaa horey u qaadacay ka qeybgalka shirarka muhiimka ah ee Golaha Wadatashiga Qaran, arrintaasoo muujisay sii qoto-dheeraanshaha khilaafka kala dhaxeeya dowladda dhexe.

Inta uu ku sugan yahay Garowe, Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la filayaa in uu la yeesho kulamo wadatashi ah Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, kuwaas oo lagu lafa-guri doono xaaladda siyaasadeed ee dalka. Wararka ayaa tilmaamaya in labada madaxweyne ay diiradda saari doonaan mowqifyadooda ku aaddan xiriirka federaalka, wada-shaqeynta dowlad goboleedyada, iyo shirarka wadatashiga qaran ee la qorsheynayo in lagu go’aamiyo arrimo muhiim ah oo quseeya masiirka dalka.

Shirka lagu wado inuu Garowe ku dhexmaro labada madaxweyne ayaa la saadaalinayaa inuu noqdo mid si heer sare ah loo agaasimay, wuxuuna imaanayaa xilli la filayo in dhowaan markale la qabto shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee hore loogu balansanaa 22-ka bishan June, kaas oo Puntland iyo Jubbaland aanay weli caddeyn ka qeybgalka ay ku yeelan doonaan.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan in wada-hadallada Garowe ay ka dhalan karaan go’aan mideysan oo ay labada maamul uga falcelinayaan waxa ay ku tilmaameen faragelinta dowladda federaalka ee arrimaha gudaha ee dowlad-goboleedyada.

Natiijada kasoo baxda wadahadallada Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Siciid Deni ayaa la filayaa inay saameyn weyn ku yeelato jihada xiriirka siyaasadeed ee u dhexeeya dowlad-goboleedyada iyo Dowladda Federaalka bilaha soo socda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *