Mas’uul Ka Tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir oo Lagu Dilay Degmada Dayniile

Muqdisho – Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii toogasho qorsheysan ku dileen mas’uul ka tirsanaa dowladda hoose ee gobolka Banaadir, xilli uu ku sugnaa xaafadda Cali Boolay ee degmada Dayniile, magaalada Muqdisho.

Mas’uulka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdalla Sheekh Ibraahin Maxamuud (Jiisoow), wuxuuna ahaa Agaasimaha Dalxiiska ee degmada Dayniile. Sida ay wararku sheegayaan, kooxdii hubeysneyd ayaa rasaas ku furay marxuumka, taas oo sababay dhaawac culus oo markii dambe sababay geeridiisa, inkasta oo markii hore loo qaaday isbitaal si loogu dabiibo.

Dilka ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa mid si gaar ah loo bartilmaameedsaday, iyadoo kooxdii falkan geysatay ay ka qaateen marxuumka bistoolad iyo telefoonka gacanta ee uu watay, ka hor inta aysan goobta ka baxsan.

Laamaha ammaanka ayaa bilaabay baaritaanno ku aaddan falkaasi, balse ilaa iyo hadda ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay taliska booliska ama maamulka gobolka Banaadir oo faahfaahin ka bixiyay weerarka iyo cidda loo tuhunsan yahay.

Dilalka qorsheysan ee ka dhaca caasimadda Muqdisho ayaa weli caqabad ku ah xasiloonida iyo nabadgelyada, iyada oo inta badan ay kooxaha hubeysan beegsadaan shaqaalaha rayidka ah iyo masuuliyiinta dowliga ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u ballanqaadday in ay xoojin doonto la-dagaallanka falalka noocan oo kale ah iyo sugidda amniga magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *