Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo Ka Qeybgalay Kulanka Golaha Sare ee GPE ee Paris

Paris, Faransiiska – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa magaalada Paris uga qeybgalay Kulanka Golaha Sare ee Hay’adda Caalamiga ah ee Iskaashiga Waxbarashada (Global Partnership for Education – GPE), kaas oo socday intii u dhaxaysay 2–5 Juun 2025.

Soomaaliya, oo ka mid ah 90 dal oo iskaashi waxbarasho la leh hay’addan, ayaa uga mid ah 13-ka dal ee matala Bariga iyo Bartamaha Afrika ee Golaheeda Sare. Kulankan muhiimka ah ayaa lagu falanqeeyay mudnaanta istiraatiijiga ah ee waxbarashada caalamiga ah, waxaana si qoto dheer loogu gorfeeyay qorshaha horumarineed ee sanadaha 2026 ilaa 2030.

Qodobada diiradda la saaray waxaa ka mid ahaa kor u qaadista hannaanka waxbarasho iyadoo la tixgelinayo xaaladaha dhaqaale ee caalamka iyo isbeddellada ku yimid habka deeq-bixinta. Kulanka ayaa sidoo kale xoogga saaray baahida loo qabo in la xoojiyo maalgelinta waxbarashada, iyadoo la adeegsanayo farsamooyin hal-abuur leh oo ka jawaabaya baahiyaha sii kordhaya.

Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa xusay in horumarinta tayada macallimiinta ay tahay tiir-dhexaadka waxbarashada la taaban karo, taasoo fure u ah kobcinta aqoonta ardayda iyo dhismaha jiil cusub oo u diyaarsan mustaqbalka.

Inkasta oo waxbarashada Soomaaliya ay weli wajahdo caqabado badan oo dhinaca agabka, qalabka, iyo helitaanka fursadaha tacliinta ah, haddana waxaa jirta rajo xooggan oo laga qabo in iskaashiga dowladda, bulshada rayidka ah, iyo deeq-bixiyayaasha caalamiga ah uu suurogelin karo horumar waara oo lagu gaarsiiyo waxbarasho tayo leh dhammaan carruurta Soomaaliyeed.

Kulankan heer sare ah ayaa horseed u noqon kara dardar-gelinta dadaallada socda ee lagu xoojinayo nidaamka waxbarasho ee dalka, si loo xaqiijiyo in jiilka maanta uu helo fursado waxbarasho oo dhab ah, loona diyaariyo hoggaan mustaqbalka.

4 thoughts on “Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo Ka Qeybgalay Kulanka Golaha Sare ee GPE ee Paris

  1. I have been trying different sports books for the Liga MX matches and betkmx really stands out for me. The interface is super clean and I never have to wait long to cash out my winnings. My friends and I use it for every weekend game and the customer service team always responds fast. It feels like a place that actually understands what we bettors need. Check it out at betkmx

  2. Been playing around for a few weeks now and I really love how straightforward everything is. The bonuses actually make sense and customer support replies quick enough. It is nice to finally find a platform that treats players right without hidden traps. You can see for yourself mxdazardbet

  3. I have tried many platforms but luxebetlogin stands out for its polished design and fair gameplay. The VIP program gives real benefits and I never wait long for my payouts. It is clear they truly care about keeping their community happy and engaged. luxebetlogin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *