Ra’iisul Wasaare Xamsa oo u ambabaxay Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti

Muqdisho, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta u ambabaxay Jamhuuriyadda Jabuuti, kaddib markii uu ka helay casuumaad rasmi ah oo uu u fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in ay kulan miro-dhal ah la yeeshaan madaxda sare ee dalka Jabuuti, iyadoo si qoto dheer looga wada hadli doono xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal ee dariska ah.

Kulamada la qorsheeyay ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin: Amniga gobolka, iskaashiga dhanka dhaqaalaha, iyo xiriirka walaaltinimo ee taariikhiga ah ee ka dhaxeeya shacabka Soomaaliyeed iyo kan Jabuutiyeed.

Booqashadan rasmiga ah ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku doonayso in ay ku xoojiso xiriirrada diblomaasiyadeed, ganacsi iyo amni ee ay la leedahay dalalka gobolka iyo kuwa caalamkaba. Waxaa la filayaa in safarkan uu dhaliyo natiijooyin wax ku ool ah oo dan u ah labada shacab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *