Wasiirka Awqaafta XFS oo Ka Qayb Galay Shir Caalami ah oo Lagu Falanqeeyay Fududeynta Adeegyada Xajka

Jidda, Sacuudi Carabiya – Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar Roobow Cali, ayaa maanta magaalada Jidda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya kaga qeyb galay shir heer caalami ah oo diiradda lagu saaray fududeynta adeegyada Xajka ee sannadlaha ah.

Shirka oo uu guddoominayay Wasiirka Xajka iyo Cumrada ee Boqortooyada Sacuudiga, Dr. Towfiiq Al-Rabiic, waxaa ka soo qeyb galay Wasiirrada Arrimaha Diinta ee wadamada Islaamka. Intii uu socday shirka, waxaa si qoto dheer looga dooday sidii xujeyda loogu fududeyn lahaa gudashada acmaasha Xajka, iyadoo diiradda la saaray adeegyada caafimaadka, warbaahinta, iyo sare u qaadista wacyigelinta xujeyda.

Dowladda Sacuudiga ayaa mar kale ku celisay ballanqaadkeeda ku aaddan in la dardar gelin doono dadaallada lagu horumarinayo adeegyada loo fidiyo xujeyda, si ay si nabadgelyo iyo hufnaan leh u gutaan waajibaadkooda diiniga ah.

Shirkan ayaa qayb ka ah dadaallada iskaashi ee u dhexeeya dowladaha Islaamka si loo hubiyo in xilliga Xajka uu u dhaco si habsami leh, iyada oo xujeyda laga taageerayo dhinac walba.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *