Muqdisho – Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho shir ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha mucaaradka dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo uu shir-guddoominayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Shirka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan mustaqbalka siyaasadda, amniga, iyo doorashooyinka.
Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo furay shirka ayaa sheegay in ujeeddadu tahay in laga hadlo mustaqbalka Soomaaliya, isagoo xusay in inkasta oo ay madasha maanta ku sugan yihiin tiro kooban oo hoggaamiyeyaal ah, haddana ay yihiin kuwo leh aragti siyaasadeed oo wax ka beddeli kara jihada dalka.
Sheekh Shariif ayaa khudbaddiisa si gaar ah uga hadlay arrinta doorashada qof iyo cod, isaga oo ku tilmaamay arrin wanaagsan balse xusay in muhiimaddu tahay in doorashadaasi ku timaado hannaan la isla oggol yahay oo ku saleysan dastuurka dalka, si loo ilaaliyo midnimada iyo sharciyadda qaranimada.
Dhankiisa, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid ujeeddadiisu tahay badbaadinta dalka iyo shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu tilmaamay in mucaaradku doonayaan inay dowladdu ku saxdo jidka saxda ah ee siyaasadeed, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyinka qof iyo cod oo uu ku sheegay in weli shacabka Soomaaliyeed ay taageersan yihiin, balse loo baahan yahay in la maro dariiq sharci ah oo loo dhanyahay.
Shirkan ayaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed rasmi ah oo ay mucaaradka uga hadlayaan qodobo muhiim u ah siyaasadda dalka, amniga iyo doorashooyinka. Sidoo kale, waxaa lagu wadaa in la doorto hoggaan rasmi ah oo matala mucaaradka, kaasoo ka shaqeyn doona isku-dubaridka mowqifyadooda siyaasadeed.
Shirka waxaa si weyn uga qaybgalay mas’uuliyiin caan ah oo horey xilal sare uga soo qabtay dalka, oo ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaareyaashii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Xasan Cali Khayre, Cabdi Faarax Shirdoon, iyo Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Maxamed Mursal. Sidoo kale, waxaa shirka kasoo muuqday xildhibaano hadda ku jira Golaha Shacabka iyo wasiiro hore oo door muuqda ku lahaa siyaasadda dalka.