Muqdisho – Wafdi sare oo ka socday ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Özel Harekat ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay xarunta Xerada Haramcad ee General Farxaan Mohamoud Qaroole, taasoo qeyb ka ahayd dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga amni iyo wada-shaqeynta ciidamada khaaska ah ee labada dal.
Wafdigan oo ka koobnaa saraakiil sare, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Taliyaha Ciidanka Haramcad, Dhamme Cabdihakiin Ceeldheer. Kulankaasi ayaa diiradda lagu saaray xoojinta tababarrada, is-dhaafsiga khibradaha, iyo sare u qaadista awoodda hawlgal ee ciidanka sida gaarka ah u tababaran.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay isla qaateen in la kordhiyo iskaashiga labada ciidan si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida, gaar ahaan la dagaallanka khataraha amni ee la wadaago.
Taliyaha Ciidanka Haramcad, Dhamme Cabdihakiin Ceeldheer, ayaa uga mahadceliyay saraakiisha Özel Harekat booqashadooda, isagoo tilmaamay in kulankani uu muujinayo xiriirka sii xoogeysanaya iyo kalsoonida ka dhexeysa ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga.
Booqashadan ayaa imaneysa iyadoo uu sii kobcayo iskaashiga dhinacyada amniga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo labada dhinac ay si joogto ah uga shaqeynayaan horumarinta tayada iyo awoodda ciidan ee labada dal.

