Muqdisho – Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya, Mudane Pier Dacco Coppi, oo ay weheliyeen saraakiil ka tirsan safaaradda Talyaaniga.
Kulanka ayaa si qoto dheer diiradda loogu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga ee ka dhaxeeya labada dal, iyadoo la isla meel dhigay in la dardargeliyo tababarrada iyo qalabaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Wasiir Fiqi ayaa si gaar ah u ammaanay kaalinta mugga leh ee Dowladda Talyaaniga ay ka qaadato taageeridda, tayeynta iyo kobcinta awoodda ciidanka qaranka, isagoo ku tilmaamay mid laf-dhabar u ah dadaallada dowladda ee la xiriira sugidda amniga iyo xasilloonida guud ee dalka.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay in la sii ballaariyo xiriirka istaraatiijiga ah, iyadoo diiradda la saarayo iskaashi qoto dheer oo dhinaca difaaca ah, kor u qaadidda awoodda ciidamada, iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada.
Ugu dambeyntii, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahadceliyay Dowladda Talyaaniga taageerada joogtada ah iyo garab-istaagga ay u fidiso Soomaaliya, isagoo xusay in ay muhiim tahay in iskaashigan istiraatiijiga ah la sii xoojiyo si loo xaqiijiyo amni waara iyo nabad ka dhalata guud ahaan gobolka.
