Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka cusub UK

Muqdisho – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Sabti ah si rasmi ah uga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Boqortooyada Midowday (United Kingdom), Mudane Charles King, xaflad ka dhacday Caasimadda Muqdisho.

Wasiirka ayaa si diirran u soo dhoweeyay Safiirka cusub, isagoo u rajeeyay guul iyo horumar howsha diblomaasiyadeed ee loo igmaday, kuna nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Midowday.

Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa muujiyay rajo wanaagsan oo ku aaddan in Safiir Charles King uu door muuqda ka qaato horumarinta iskaashiga laba geesoodka ah, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta, iyo dib-u-dhiska, si kor loogu qaado danaha labada dal ee saaxiibka ah.

Boqortooyada Midowday ayaa kamid ah dalalka sida dhow ula shaqeeya Soomaaliya, waxaana labada dal ka dhexeeya xiriir diblomaasiyadeed oo qoto dheer.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *