abuuti – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa si adag u dhaliilay Dowladda Imaaraadka Carabta, isagoo ku eedeeyay inay maalgelin baaxad leh oo ay Afrika ka samaynayaan u adeegsanayaan danaha milatari ee qarsoon.
Wareysi uu siiyay Idaacadda caalamiga ah ee Radio France Internationale (RFI), Madaxweyne Geelle wuxuu ku sheegay in ololaha Imaaraadka ee lagu sheegay $110 bilyan oo maalgashi ah uu yahay xeelad istiraatiiji ah oo loogu talagalay in lagu ballaariyo saameynta milatari ee gobolka iyadoo loo marayo horumarin dhaqaale oo uu ku tilmaamay mid “been abuur ah.”
“Imaaraatigu waa kuwo si qoto dheer u wiiqaya gobolka,” ayuu yiri Madaxweyne Geelle, isagoo muujiyay walaac sii kordhaya oo ku saabsan ujeeddooyinka dhabta ah ee maalgelinta shisheeye, gaar ahaan kuwa ku wajahdan kaabeyaasha muhiimka ah sida dekedaha, adeegyada saadka, iyo isgaarsiinta.
“Ma jirto maalgashi kaliya oo ujeedkiisu yahay kobcin dhaqaale. Waxaa lagu dhex lifaaqay qorshayaal milatari oo khatar gelin kara madax-bannaanida iyo xasilloonida dalalka Afrika,” ayuu yiri.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dalkiisu uu horey u diiday codsi Imaaraadku ku doonayeen in saldhig ciidan laga siiyo Jabuuti. Wuxuu intaas ku daray in markii ay diideen codsigaas, Imaaraadku ay dadaalkooda u wareejiyeen dalalka deriska ah, iyagoo doonaya inay gacanta ku dhigaan goobaha istiraatiijiga ah ee ku teedsan marin-biyoodka muhiimka ah.
Xiriirka Jabuuti iyo Imaaraadka Carabta ayaa xumaaday sanadihii u dambeeyay, gaar ahaan kadib markii Jabuuti ay dalka ka eriday shirkadda DP World, oo ay Imaaraadku leeyihiin, taas oo maalgashi ku lahayd dekedaha Jabuuti.
Dalka Imaaraadka Carabta ayaa si muuqata u ballaariyay saameyntiisa Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, Itoobiya, iyo Suudaan. Madaxweynaha Jabuuti wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay taageerada Imaaraadka ay siiyaan maamullo kasoo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo uu ku tilmaamay mid khatar ku ah midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya.
Dhinaca kale, marka uu ka hadlayay suurtagalnimada inuu markale u tartamo xilka madaxtinimada doorashada la filayo sannadka 2026, Madaxweyne Geelle wuxuu ka gaabsaday inuu si cad uga jawaabo, isagoo yidhi: “Su’aashaas wax jawaab ah uma hayo.”
Dastuurka Jabuuti ayaa xaddidaya da’da musharraxa u tartamaya xilka madaxtinimo, isagoo dhigaya inuusan ka weynaan karin 75 sano. Madaxweyne Geelle, oo haatan ka weyn da’daas, wuxuu u baahan doonaa in wax ka beddel lagu sameeyo dastuurka haddii uu doonayo inuu markale isu sharaxo doorashada.