Muqdisho, Soomaaliya – Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay aaska qaran ee loo sameeyay Gashaanle Dhexe Cabdi Salaad Xujaale, Taliyihii Guutada 26-aad ee Cali Bin Abii Daalib ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaas oo ku shahiiday dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah ee argagixisada ah.
Munaasabadda salaadda janaasada ayaa lagu tukaday gudaha xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo sidoo kale salaad janaaso qaa’ib ah loo tukaday dhammaan geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogagga deegaanka ee ku naf waayay dagaalka lagu difaacayo sharafta, karaamada iyo madax-bannaanida qaranka Soomaaliyeed.
Gashaanle Dhexe Cabdi Salaad Xujaale waxa uu kamid ahaa saraakiisha ugu mudan ee Ciidanka Xoogga Dalka, isagoo si geesinimo leh noloshiisa ugu huray difaaca dalka. Waxaa lagu xusuustaa inuu ahaa hoggaamiye daacad ah, geesi dhab ah, oo mar walba safka hore kaga jiray dagaallada lagula jiro cadowga nabadda iyo horumarka dalka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoyska iyo ehelada marxuumka, dhammaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Gashaanle Dhexe Xujaale. Geeridiisa waxaa lagu tilmaamay mid dhiirigelin u noqonaysa dadaalka socda ee dalka looga sifeynayo kooxaha Khawaarijta, kuwaas oo maalmahan la soo dhaafay wajahayay guuldarrooyin waaweyn iyo jab milatari.
Munaasabadda aaska iyo salaadda janaasada waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Gaashaandhigga, mudane Axmed Macallin Fiqi; Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare, mudane Cali Shacbaan Ibraahim; Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Aqalka Sare, mudane Cabdullaahi Timacadde; Wasiirka Amniga Gudaha, mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ‘Fartaag’; Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage; Taliyaha Ciidanka Dhulka, General Sahal Cabdullahi Cumar; Xildhibaano, Senataro, saraakiil sare oo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida, iyo ehelada marxuumka.
Aaska Gashaanle Dhexe Cabdi Salaad Xujaale ayaa si weyn u muujiyay qaddarinta loo hayo halyeeyada naftooda u hura difaaca dalka, waxaana dowladda ay caddeysay in dhiigga shuhadada uusan noqon doonin mid dhumin, balse uu saldhig u noqon doono guusha kama dambeyska ah ee lagaga adkaanayo cadowga Soomaaliyeed.




