Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Kulan Muhiim ah la Qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Tamarta Atomiga ee Adduunka (IAEA)

Geneva, Switzerland – Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa kulan muhiim ah magaalada Geneva kula yeeshay madax sare oo ka tirsan Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga (IAEA), taas oo ay Soomaaliya si rasmi ah ugu biirtay sanadkii 2024.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo IAEA gaar ahaan dhinacyada la xiriira horumarinta adeegyada caafimaadka, gaar ahaan kuwa la xiriira ogaanshaha iyo daaweynta cudurka kansarka. Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay adeegsiga tiknoolojiyadda nukliyeerka iyo radiation-ka si loo helo adeegyo caafimaad oo casri ah oo ka hirgala gudaha dalka.

Wasiir Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa mas’uuliyiinta IAEA la wadaagay qorshaha dhismaha Machadka Qaranka ee Kansarka (Somali National Cancer Institute – SNCI), iyo sidoo kale taageeridda Qorshaha Qaranka ee Xakamaynta Cudurrada Aan Laga Dhalan (NCDs) ee sannadaha 2024–2029. Qorshahani wuxuu muhiim u yahay kor u qaadidda adeegyada caafimaadka, gaar ahaan kahortagga, ogaanshaha, iyo daaweynta cudurrada halista ah sida kansarka.

Kulanka Wasiirka waxaa wehliyay Safiirka Soomaaliya ee dalka Switzerland iyo Wakiilka Joogtada ah ee Qaramada Midoobay ee Hay’adaha Caalamiga ah, Marwo Khadra Axmed Ducaalle, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka XFS, Dr. Guuleed Cabdijaaliil.

Kulankan ayaa loo arkaa mid kor u qaadaya awoodda Soomaaliya ee la tacaalidda cudurka kansarka iyadoo la adeegsanayo tiknoolojiyad casri ah oo waafaqsan heerarka caalamiga ah. Sidoo kale, wuxuu gogol xaar u yahay iskaashi ballaaran oo mustaqbalka dhow dhex mari doona Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo Hay’adda IAEA, si loo horumariyo adeegyada ogaanshaha, daaweynta, iyo kahortagga cudurrada kansarka ee dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *