Agaasimaha NISA oo Soo Dhaweeyay Heshiiska Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya ee La Dagaalanka Argagixisada

Muqdisho, Soomaaliya – Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa si diirran u soo dhaweeyay go’aanka ay Xukuumadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ku ansixisay heshiiska ay la gashay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsan iskaashiga la dagaalanka argagixisada iyo maalgelinteeda.

Agaasimaha ayaa tilmaamay in tallaabadan ay tahay mid muhiim u ah xoojinta wadashaqeynta amni ee labada dal, isla markaana ay ka tarjumeyso dadaallada sii xoogeysanaya ee lagu ciribtirayo khataraha argagixisada ee ka jira gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Heshiiskan ayaa qeyb ka ah iskaashi dhow oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya, kaas oo diiradda lagu saarayo la-dagaalanka fikradaha xagjirka ah, joojinta maalgelinta kooxaha argagixisada, iyo horumarinta tababarada iyo isweydaarsiga xogta sirdoon ee labada dhinac.

Hay’adda NISA ayaa horey u muujisay sida ay uga go’an tahay sugidda amniga qaranka iyo iskaashiga caalamiga ah ee lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah kooxaha khatarta ku ah xasilloonida gudaha iyo tan gobolka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *