Kigali, Rwanda – Madaxweynaha dalka Rwanda, Mudane Paul Kagame, ayaa maanta si rasmi ah uga guddoomay waraaqaha aqoonsiga safiirnimo Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Rwanda, Mudane Ilyaas Cali Xasan.
Munaasabadda guddoomista waraaqaha aqoonsiga ayaa ka dhacday madaxtooyada Rwanda, iyadoo lagu muujiyey xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Rwanda, iyo sidoo kale horumarinta iskaashiga gobolka Bariga Afrika.
Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah kor u qaadidda xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, iyadoo diiradda la saarayo arrimaha amniga, dhaqaalaha, iyo iskaashiga horumarineed ee gobolka.
Danjire Ilyaas Cali Xasan, oo ah wakiilka rasmiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Rwanda, ayaa sidoo kale safiir ka ah dalka Tanzania, halkaas oo uu horey uga wakiil ahaa dowladda Soomaaliya. Safiirkan cusub ayaa lagu wadaa inuu xoojiyo danaha Soomaaliya ee gobolka, isla markaana ka shaqeeyo dhisidda xiriir miro-dhal ah oo ay labada dowladood wadaagaan.


